Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah shahaadooyinka musharraxnimada u guddoonsiiyay Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), kuwaas oo u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddiga ayaa kulan ku yeeshay xafiiskiisa ku yaalla Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, halkaas oo labada xildhibaan lagu siiyay shahaadooyinka caddeynaya inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa musharraxiinta xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Tallaabadan ayaa sii kululeyneysa loollanka loogu jiro hoggaanka Golaha Shacabka, iyadoo indhaha siyaasadda Soomaaliya ay hadda ku jeedaan tartanka iyo isbahaysiyada ka dhex socda xildhibaannada.
Sida uu Guddiga Doorashadu shaaciyay, doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa la qaban doonaa Isniinta, 10-ka Agoosto 2026, waxaana la filayaa in maalmaha ka horreeya doorashada ay sii xoogaystaan ololaha musharraxiinta, kulamada siyaasadeed iyo dadaallada lagu kasbanayo codadka xildhibaannada.
Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama qofka ku guuleysta xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu door muhiim ah ku yeelan doono jihada siyaasadeed iyo shaqada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.










