Xildhibaan Odawaa oo si kulul uga hadlay duqeynta General Shub

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa si adag u cambaareeyay duqeyntii loo geystay taliyihii hore ee Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan “Shub”, isagoo ku tilmaamay tallaabo xeer-dhaaf ah oo halis ku ah dowladnimada Soomaaliya.
Odawaa ayaa sheegay in dhacdadan ay muujinayso, sida uu hadalka u dhigay, “mas’uuliyad-darrada maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh”, isagoo ka digay in awoodda dowladda si khaldan loo adeegsado.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay khatar ku tahay dadaallada loogu jiro dhismaha dowlad loo dhan yahay iyo soo celinta kalsoonida bulshada, xilli dalka uu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo amni.
“Waxaan ka digayaa in waji kale loo yeelo colaadda jirta, isla markaana aan la sii kala fogeyn dhinacyada ay dirirtu dhex taal,” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.
Odawaa wuxuu ugu baaqay dhinacyada isku haya dalka inay ka fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara colaadda iyo kala fogaanshaha bulshada.









