Al-Shabaab oo Dhaqdhaqaaq Culus Ka Bilaabay Duleedka Masaajid Cali Gaduud

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu arkay duleedka deegaanka Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo ay ku gaareen gaadiid dagaal iyo hub.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, maleeshiyaadka ayaa lagu arkay hareeraha deegaanka, hase yeeshee illaa iyo hadda lama oga ujeeddada rasmiga ah ee dhaqdhaqaaqooda, mana jirto xog madax-bannaan oo xaqiijisay inay qorsheynayaan weerar cusub oo ka dhan ah fariisimaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan soo saarin wax war ah oo ku saabsan wararka la xiriira dhaq-dhaqaaqan.
Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso gulufkii ugu dambeeyay ee dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowaan shaaciyay in la dardargelinayo howlgalka kama dambeysta ah ee ka dhanka ah kooxda.
Deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo nawaaxigiisa ayaa horey u ahaa goob ay marar badan ku dagaallameen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo kooxda Al-Shabaab, iyadoo kooxdaasi ay hore u qaaday weerarro ay ku beegsatay saldhigyada ciidamada si ay u carqaladeyso howlgalada amniga ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.









