Askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo si lama filaan ah loo dilay

Wararka laga helayo degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad sababay dhimasho uu ka dhacay goob bar koontarool ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo booliis ah.
Sida la xaqiijiyay, baabuur uu watay darawalka Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa gaaray barta koontarool ee Xamarweyne, halkaas oo uu ka dhacay isfaham la’aan u dhaxeysay darawalka iyo ciidamadii booliiska ee goobta ku sugnaa. Isfaham la’aantaas ayaa cirka isku shareertay kaddib markii darawalku la soo baxay bastoolad, halka ciidamadii booliiskuna ay dhankooda qoryo ula soo baxeen.
Markii ay arrintu halkaas gaartay, waxaa warka loo gudbiyay taliyaha ciidanka ilaalada wasiirka amniga, oo lagu magacaabo Kayse. Taliyaha iyo ciidamo uu watay ayaa ka soo dhaqaaqay hoyga wasiirka, iyaga oo ku sii jeeday goobta lagu hayay darawalka iyo baabuurka wasiirka.
Intii ay ciidamadu ku sii jeedeen goobta, waxaa la socday askari ka tirsan ciidanka madaxtooyada, kaas oo si degdeg ah ugu orday goobtii uu ismari waagu ka taagnaa, isaga oo isku dayay inuu difaaco darawalka wasiirka. Hase yeeshee, taliyihii ciidanka booliiska ee barta koontaroolka joogay ayaa rasaas ku furay askarigaas, taas oo sababtay inuu si xun u dhaawacmo. Inkastoo la isku dayay in la badbaadiyo, askarigaas ayaa ugu dambeyn u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.
Ciidamadii uu watay taliyaha ilaalada wasiirka ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan taliyihii barta koontaroolka, waxaana loo taxaabay saldhigga booliiska ee Xamarweyne, halkaas oo uu hadda ku xiran yahay.
Dhanka kale, baabuurkii wasiirka iyo darawalkiisii ayaa si nabad ah uga baxay goobta, iyadoo la sugayo sida ay xaaladdu u dambeyn doonto. Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in askariga rasaasta riday uu ku andacoonayo in xabbaddu ay si kama’ ah uga fakatay.
Laamaha amniga ayaa la filayaa inay baaritaan rasmi ah ku sameeyaan dhacdadan, si loo xaqiijiyo sababta rasmiga ah ee keentay iska hor imaadka iyo khasaaraha ka dhashay.









