LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sanbaloolshe Oo Si Toos Ah Uga Hadlay Dagaalka Baydhabo: “Al-Shabaab La Gacan Siiyo Ma Aha Mucaaradnimo”

Dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sii dhalinaya su’aalo cusub, kaddib markii gaadiid laga qabsaday ciidamadii la sheegay inay weerarka soo qaadeen lagu arkay gaari hore Al-Shabaab uga qabsatay ciidamada dowladda Soomaaliya, kaas oo la sheegay in markii hore loogu adeegsaday weerarro iyo howlgallo ay kooxdaasi fulinaysay.

Sidoo kale, wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegaya in gaarigaasi ay ku xirnaayeen walxo qarxa, arrintaas oo sii kordhisay shakiga iyo walaaca laga qabo xiriir ama iskaashi dhex mara kooxaha dagaalka ku lugta leh iyo Al-Shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay ciidamo taabacsan hoggaanka Koonfur Galbeed inay weerar ku qaadeen magaalada Baydhabo, halka dagaalka uu sababay khasaare iyo qabsashada gaadiid iyo saanad ciidan.

Dhanka kale, qoraalkii taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ee ahaa in “mucaaradnimadu aysan cudurdaar u noqon karin garab istaagga Al-Shabaab” ayaa kusoo beegmaya xilli arrintan ay dood iyo su’aalo badan dhalisay.

Sanbaloolshe ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay hadal si gaar ah indhaha loogu hayo:

“Yaan loo ogolaan guul istiraatiiji ah AS.”

Haddii xaqiijin rasmi ah laga helo hay’adaha amniga iyo ciidamada dowladda, arrintan waxay noqon kartaa mid si weyn u saameysa fahamka laga qabo dagaalkii maanta ka dhacay Baydhabo iyo cidda dhab ahaan ka faa’iideysan karta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *