LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaal culus oo ka socda Shabeellaha Dhexe markii ciidanka Xoogga Dalka…

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka sii wada howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka socda duleedka deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaal culus oo shalay halkaasi ka dhacay.

Howlgalka ayaa billowday kadib markii ciidamada dowladda ay heleen xog ku saabsan maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo la sheegay inay isku abaabulayeen dhul beereed qiyaastii shan KM u jira Mubaarak.

Ciidamada ayaa markii hore madaafiic ku garaacay goobihii la tuhunsanaa inay maleeshiyaadku ku sugnaayeen, waxaana markii dambe halkaasi ka qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Iska horimaadka ayaa la sheegay inuu socday ilaa gelinkii dambe ee shalay.

Wararka saaka laga helayo aagga Mubaarak ayaa sheegaya in ciidamada dowladda aysan halkaasi ka bixin, isla markaana ay sii ballaarinayaan howlgalka deegaannada ku dhow dhow. Ujeeddada howlgalka ayaa lagu sheegay in lagu kala diro dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab, laguna fashiliyo weerarro ay kooxda ka qorsheyn karto aaggaas.

Saraakiil ciidan ayaa xaqiijiyay in khasaare uu ka dhashay dagaalka, balse illaa hadda lama shaacin tiro rasmi ah oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca labada dhinac.

Sidoo kale, weli ma jiro war faahfaahsan oo kasoo baxay taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu caddeeyay natiijada howlgalka iyo khasaaraha la gaarsiiyay Al-Shabaab.

Xaaladda duleedka Mubaarak ayaa weli kacsan, iyadoo howlgalka ciidamada uu saaka sii socdo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *