Al-Shabaab oo wajeheysa dhaqaale la’aan xoogan & DFS oo xirtay Al-baabadii…

Dhaqaalaha Al-Shabaab ayaa wajahaya cadaadis cusub kadib markii warbixin loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay muujisay hoos-u-dhac weyn oo ku yimid lacagihii ay kooxdu ka ururin jirtay Muqdisho iyo qaybo kale oo Soomaaliya ah.
Xogta warbixinta lagu soo bandhigay ayaa tilmaamaysa in dakhliga Al-Shabaab ee Muqdisho, oo hore loogu qiyaasi jiray $12 milyan ilaa $15 milyan bishii, uu hadda hoos ugu dhacay qiyaastii $5 milyan ilaa $9 milyan bishii.
Hoos-u-dhaca waxaa lala xiriiriyay tallaabooyin amni iyo cadaadis lagu saaray nidaamyada ay kooxdu lacagaha ku ururiso. Abaarta ka jirta Jubbooyinka, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale lagu sheegay inay qayb ka qaadatay yaraanshaha dakhliga.
Dharbaaxo kale oo ku dhacday shabakadda maaliyadda
Cadaadiska dhaqaale waxaa barbar socda khasaarooyin soo gaaray xubno muhiim u ahaa maaliyadda iyo hoggaanka kooxda.
Warbixintu waxay xustay dilka Cabdullaahi Xasan Cabdi Osoble, oo lagu sheegay inuu qaabilsanaa arrimaha dhaqaalaha Al-Shabaab, bishii Janaayo 2026. Maxamed Sahal Idl, oo loo yaqaanay Abu Usaama, laguna sheegay inuu ahaa shaqsigii loo qorsheeyay inuu booskaas beddelo, ayaa isna la dilay bishii Febraayo.
Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Federaalka ay kordhisay cadaadiska lagu saarayo ganacsatada iyo nidaamyada maaliyadeed ee looga shakiyo inay fududeeyaan lacagaha ay Al-Shabaab ku ururiso waxa ay ugu yeerto Zakawaadka.
Laakiin Al-Shabaab weli dhaqaale ayay leedahay
Inkasta oo tirooyinku muujinayaan hoos-u-dhac weyn, warbixintu kama dhigna in ilihii dhaqaale ee Al-Shabaab la burburiyay.
Qiimeynta ayaa weli ku tilmaamaysa dhaqaalaha kooxda mid adkeysi leh, iyadoo Al-Shabaab ay awood u leedahay inay lacag ka ururiso ganacsatada iyo bulshooyinka ay saameynta ku leedahay.
Taasi waxay muujinaysaa in dagaalka dhaqaale uu galay marxalad muhiim ah: Dowladda Soomaaliya waxay cadaadis saartay mid ka mid ah halbowlayaasha kooxda, balse weli ma aysan jarin dhammaan shabakadaha lacagaha soo gala.
Xiriirka Yemen oo walaac cusub abuuraya
Warbixinta ayaa sidoo kale indhaha ku haysa xiriirrada Al-Shabaab ay la leedahay Al-Qaacida Jasiiradda Carabta iyo Xuutiyiinta Yemen.
Dalal xogta la wadaagay kooxda kormeerka ayaa muujiyay walaac ah in xiriir joogto ah oo lala yeesho Xuutiyiinta uu Al-Shabaab ka caawin karo kor u qaadidda awooddeeda farsamo iyo mid hawlgal, taasoo khatar dheeraad ah ku noqon karta ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay inay raadineyso farsamooyin lagu kordhinayo saxnaanta iyo masaafada madaafiicdeeda, iyo tiknoolajiyad carqaladeyn karta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Dagaalka lacagta oo noqonaya furin kale
Hoos-u-dhaca dakhliga wuxuu muujinayaa in dagaalka Al-Shabaab uusan hadda ku koobneyn furimaha militari.
Bangiyada, ganacsatada, xawaaladaha, dhaq-dhaqaaqa lacagaha iyo shabakadaha baadda ayaa noqday furin kale oo dagaalka ka mid ah.
Hase yeeshee, hal arrin ayaa weli muhiim ah: hoos-u-dhaca dhaqaale oo keliya macnaheedu ma aha in awoodda Al-Shabaab la jebiyay. Warbixintu waxay muujinaysaa koox weli awood u leh inay la qabsato cadaadiska, beddesho xeeladaheeda, isla markaana sii waddo hawlgalladeeda.









