Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo lagu laayay Shabeellaha Dhexe

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Warciise, oo qiyaastii 25 KM u jira magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, lagu dilay sagaal xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay ku jireen laba horjooge.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA, howlgalka oo ay ciidamada Soomaaliya ka taageereen saaxiibada caalamka ayaa lagu beegsaday xubno iyo horjoogeyaal Al-Shabaab ah oo ku sugnaa deegaanka Warciise.
Labada horjooge ee NISA sheegtay in howlgalka lagu dilay ayaa kala ah Axmed Cali Jimcaale, oo hay’addu sheegtay inuu ahaa horjoogihii Al-Shabaab ugu magacawnaa degmada Jowhar, iyo Geedi Maxamed Nuur Cadde, oo lagu sheegay inuu kooxda masuul uga ahaa deegaannada Dumaaye iyo Dabagaalo.
NISA ayaa sheegtay in muddo lagu daba jiray xogta iyo dhaq-dhaqaaqyada labada nin ka hor inta aan la fulin weerarka lagu beegsaday.
Waxaa sidoo kale howlgalka lagu dilay toddobo dagaalyahan, kuwaas oo NISA ku sheegtay inay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka howlgala deegaanka Warciise, isla markaana ay la socdeen labada horjooge xilligii weerarku dhacay.
Hay’addu waxay howlgalka ku tilmaantay mid qeyb ka ah gulufka lagu bartilmaameedsanayo hoggaanka, dagaalyahannada iyo shabakadaha Al-Shabaab ee ka howlgala gobollada dalka.
Dilka horjoogihii kooxda ugu magacawnaa Jowhar ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay cadaadis militari ku hayaan Al-Shabaab qeybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe, oo muddooyinkii dambe ka mid ahaa furimaha muhiimka ah ee dagaalka.
NISA ma aysan shaacin khasaare kasoo gaaray ciidamada fuliyay howlgalka.










