LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Daawo Sawirrada: Booliska Hirshabeelle oo Toogtay Labo Dhagarqabe oo Miinooyin Aasayay

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa fiidnimadii xalay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku toogtay labo dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta. Dhagarqabayaashan ayaa markii la dilayay ku guda jiray aasida labo miino oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka ku sugan suuqa xoolaha ee degmadaas.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Mahadaay, G/le Suleymaan Cowsey, oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta dowladda ayaa xaqijiyay in saraakiisha amniga ay heleen xog muhiim ah oo ku saabsan dhagarta ay cadowgu maleegayeen. Xogtaas ka dib, ciidamada oo si deg-deg ah u hawlgalay ayaa goobta ku hareereeyay dhagarqabayaasha, iyagoo ku guuleystay inay halkaas ku toogtaan labadiiba.

Saraakiisha ciidamada Booliska HirShabeelle ayaa goobta ka soo bandhigay meydadka labadii dhagarqabe iyo mid ka mid ah miinooyinkii ay aasayeen.

 Qaraxa Miinada 2-aad: Miinadii labaad ee ay cadowgu ku aasayeen suuqa ayaa goobta ku qaraxday, balse ma aysan geaysan dhibaatadii ay u maleegayeen shacabka.

Hawlgalkan qorsheysan ayaa lagu soo afjaray dhagartii ay Khawaarijtu u soo maleegeen shacabka reer Mahadaay, iyadoo maamulka degmadu uu sheegay in amnigu si buuxda u joogo gacanta ciidamada dowladda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *