Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Qoraalkii Uu Jaamac Madaxaa Nafuran Ugu Xadgudbay Madaxbanaanida Cyprus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warqad saxaafadeed rasmi ah oo ay ku caddaynayso mawqifka dalku ka taagan yahay arrinta Cyprus.
Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay in mawqifkeedu uusan waxba iska beddelin, isagoo markasta ku dhisnaan doona Axdiga Qaramada Midoobay iyo go’aannada Golaha Ammaanka.
Waxay caddeyneysaa ixtiraamka buuxa oo ay u hayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Cyprus, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay 541 (1983) iyo 550 (1984).
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu tilmaamay in fariimaha shaqsiga ah ama qoraallada lagu baahiyo baraha bulshada aysan ka ka dhignayn isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.










