Dowladda Soomaaliya iyo UNDP oo Miiska Saaray Qorshe Cusub oo lagu Xoojinayo Amniga Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Christophoros Politis.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta adeegyada amniga iyo booliska, maalgelinta mashaariicda mudnaanta leh iyo dhismaha hay’ado amni oo awood leh.
Wasiirka Fartaag ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliya, si loo horumariyo adeegyada amniga, loona helo xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha amni ee dalka.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Federaalka ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo awoodda ciidamada iyo booliska Soomaaliya.










