Ciidamada ku sugan Baydhabo oo billaabay inay hibkooda iibsadaan iyo qaar la xiray

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu xiray magaalada Baydhabo, kadib markii lagu eedeeyay inay iibsadeen hubkii ay dowladda siisay.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo ku sugan Baydhabo, ciidamada la xiray ayaa gaaraya illaa sagaal askari, kuwaas oo la sheegay inay si qarsoodi ah u xaraasheen hub ay ku jireen sagaal qori oo nooca AK-47 ah iyo hal qori oo BKM ah.
Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in ciidamadaasi qorsheynayeen inay diyaarad kaga baxsadaan magaalada Baydhabo, balse howlgal ay sameeyeen laamaha ammaanka lagu guuleystay in lagu soo qabto kahor inta aysan ka bixin garoonka diyaaradaha.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in baaritaanno xooggan ay socdaan, si loo ogaado halka uu hubkaasi ku dambeyay iyo cidda ka dambeysay iibkiisa. Waxaa sidoo kale la tuhunsan yahay inay jiraan shaqsiyaad kale oo ku lug leh arrintan, kuwaas oo weli ay ciidamada ammaanku ku raad joogaan.
Dhacdadan ayaa walaac cusub ka abuurtay xaaladda amniga iyo maamulka hubka ciidamada dowladda, gaar ahaan xilli dowladda Federaalka ay waddo dagaallo ka dhan ah Ciidamada taabacsan Laftagareen.
Qaar kamid ah shacabka ku nool Baydhabo ayaa si weyn uga hadlay dhacdadan, iyagoo ku tilmaamay mid dhaawac ku ah kalsoonida lagu qabo ciidamada dowladda. Waxay sidoo kale ugu baaqeen dowladda inay adkeyso la socodka hubka iyo anshaxa ciidamada.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ku saabsan askarta la xiray iyo tallaabada laga qaadi doono









