LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Hoobiyeyaal Lagu Weeraray Fariisimo Ciidamada Federaalka Ku Leeyihiin Baydhabo

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in fiidnimadii Khamiista hoobiyeyaal lagu garaacay fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli magaalada ay weli ka taagan tahay xiisad amni iyo mid siyaasadeed.

Sida ay sheegeen ilo dhinaca amniga ah, madaafiicda ayaa lagu beegsaday goobo ay ciidamada dowladda federaalka ku leeyihiin magaalada, waxaana la tilmaamay in meelaha la bartilmaameedsaday ay ka mid yihiin Barwaaqo iyo Iidow Dhagaal.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare nafeed ama burbur hantiyeed oo ka dhashay weerarka, iyadoo aan sidoo kale la xaqiijin cidda ka dambeysay madaafiicda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo ka dhacay qaybo ka mid ah Baydhabo, halka ciidamada ammaanka lagu arkay iyagoo kordhiyay dhaq-dhaqaaqooda iyo joogitaankooda agagaarka goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Baydhabo ay weli ku jirto xaalad amni oo xasaasi ah, kaddib iska horimaadyo horey magaalada uga dhacay oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo xoogag lala xiriiriyay taageerayaasha madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Baydhabo ama dowladda Federaalka Soomaaliya oo si faahfaahsan uga hadlay dhacdadan ugu dambeysay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *