LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Laftagareen oo soo saaray digniin culus oo ku socota Qaramada Midoobay iyo Ha’adaha caalamiga ah

Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qaramada Midoobay, hay’adaha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, safaaradaha iyo bah-wadaagta horumarinta ugu baaqay inay hakiyaan safarrada aan muhiimka ahayn ee magaalada Baidoa ilaa amar dambe.

Digniintan ayaa lagu saleeyay xaaladda amni ee magaalada iyo nawaaxigeeda oo maamulka Laftagareen sheegay inay ka jirto dhaqdhaqaaq ciidan oo sii kordhaya.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee maamulka ayaa sheegtay in tallaabadan loogu talagalay in lagu yareeyo khataraha soo wajihi kara shaqaalaha samafalka, diblomaasiyiinta, shacabka iyo bulshada deegaanka.

“Xaaladda amni ee hadda jirta kuma habboona booqashooyinka aan muhiimka ahayn,” ayay wasaaraddu sheegtay, iyadoo ku boorrisay hay’adaha inay ka fogaadaan dhaq-dhaqaaqyada aan daruuriga ahayn ee kordhin kara khataraha amni.

Si kastaba, digniintu ma khusayso safarrada muhiimka ah ee bani’aadantinimo iyo gurmadka degdegga ah. Hay’adaha u baahan inay fuliyaan howlgallada noocaas ah ayaa lagu boorriyay inay sameeyaan qiimeyn buuxda oo amni, raacaan habraacyada amniga isla markaana safarradooda hore ula sii xiriiraan masuuliyiinta ay khusayso.

Maamulka Laftagareen ayaa sheegay in digniintu ay sii jiri doonto ilaa amar dambe, isla markaana la ogeysiin doono hay’adaha haddii ay wax weyn iska beddelaan xaaladda amni ee Baidoa.

Xaaladda Baidoa ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay wajahaysay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa dhinacyada ku loollamaya maamulka Koonfur Galbeed. Dagaallo hore uga dhacay magaalada iyo nawaaxigeeda ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac ballaaran.

Digniintan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli dadaallo dhexdhexaadin ah lagu doonayo in lagu yareeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyada ku loollamaya Koonfur Galbeed. Golaha Nabadda, Midnimada iyo Horumarinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu bilaabay dadaallo lagu doonayo in dhinacyada la isugu keeno.

Maamulka Laftagareen ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabadan aysan ahayn joojinta gargaarka bani’aadantinimo, balse ay tahay tallaabo taxaddar amni ah oo lagu ilaalinayo shaqaalaha hay’adaha, shacabka iyo howlaha gargaarka muhiimka ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *