Dowladda Soomaaliya oo qorshe culus ka waddo Jarmalka, 1,900 qof oo la soo celinayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay qorshaynayso in bisha October ee soo socota dalka Jarmalka laga soo celiyo ku dhowaad 1,900 qof oo Soomaali ah, iyadoo qorshahan uu durba dhalinayo su’aalo ku saabsan cidda la soo celinayo, habka loo soo celinayo iyo dhaqaalaha ku baxaya ama ka dhalanaya.
Xog ay heshay Banaadir24 Online ayaa tilmaamaysa in afar xubnood oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay 3-da October u safri doonaan Jarmalka, iyadoo ujeeddada safarkooda lagu sheegay inay tahay diyaarinta iyo dardargelinta qorshaha dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Sida xogtu sheegayso, dadka la filayo in Soomaaliya lagu soo celiyo waxaa ku badan Soomaali asal ahaan ka soo jeeda Puntland iyo Somaliland, waxaana arrintan laga yaabaa inay dib u soo noolayso doodda ku saabsan sida dowladda Federaalka u maareyso dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Yurub.
Arrintan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli ay horey u soo baxeen warbixinno iyo baaritaanno ku saabsan heshiisyo iyo dhaqaale la xiriiray soo celinta Soomaalida laga masaafurinayo Sweden.
Baaritaan ay sameeyeen Swedish Radio iyo warbaahin kale ayaa sheegay in Sweden ay dhaqaale u qoondaysay Soomaaliya si loo xoojiyo awoodda dowladda ee qaabilaadda iyo dib-u-celinta dadka laga saarayo dalkaas. Baaritaan rasmi ah oo baarlamaanka Sweden lagu sameeyay ayaa sidoo kale xusay heshiisyo iyo lacag ka badan 100 milyan oo karoon oo Swedish ah arrimahaas lala xiriiriyay.
Sidaas darteed, qorshaha cusub ee Jarmalka ayaa hadda wajahaya su’aalo waaweyn: Yaa bixinaya kharashka soo celinta? Halkee ayaa dadka la dejinayaa? Maxaa heshiis ah oo u dhexeeya Berlin iyo Muqdisho? Dowladda Soomaaliya ma heli doontaa dhaqaale la xiriira qorshahan?
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo dowladda Federaalka ay ku doonayso inay ugala macaamisho dowladaha Yurub arrimaha muhaajiriinta Soomaaliyeed ee wajahaya go’aannada masaafurinta.
Banaadir24 Online waxay sii wadi doontaa dabagalka xogta ku saabsan liiska dadka la soo celinayo, heshiiska Soomaaliya iyo Jarmalka iyo cidda maamuleysa dhaqaalaha la xiriira hawshan.









