Ciidamada Laftagareen oo Gudaha u galay Baydhabo & dagaal xoogan oo dhacay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamada tabacsan Laftagareen ee dibad jooga ah oo la sheegay inay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisimo ku yaallay gudaha magaalada.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dagaalka ayaa billowday kaddib markii weerar safmareen ah lagu qqqday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda ee gacanta ku haya Baydhabo. Weerarkaasi ayaa si degdeg ah ugu fiday xaafado dhowr ah, waxaana la maqlayay rasaas culus iyo hubka noocyadiisa kala duwan oo la isku adeegsanayay.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada dibad joogga ah ee Laftagareen taageersan ay muddo kooban la wareegeen xaafado ka tirsan magaalada, kaddib markii ay jebiyeen ciidamadii ay weerarka ku qaadeen. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xooggan islamarkaana sababay cabsi iyo barakac kooban oo soo wajahay qaar kamid ah shacabka ku nool goobihii lagu dagaallamay.
Dagaalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaallamay, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo la xaqiijiyay. Ilo ku dhow dhinacyada dagaallamay ayaa sheegay in askar badan ay ku dhinteen iska horimaadka halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada weerarka qaaday ay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ka qabsadeen dhinacyadii ay weerareen, waxaana hubkaasi kamid ahaa qoryaha AK-47 iyo saanad kale oo ciidan.
Ciidamada dibad joogga ah ayaa markii dambe isaga baxay xaafadihii ay la wareegeen, iyadoo la sheegay in ujeeddada weerarkoodu ahayd inay fuliyaan howlgal qorsheysan oo ay ku muujiyaan awooddooda militari, halkii ay magaalada si rasmi ah ugu sii sugnaan lahaayeen.
Dhanka kale, xaaladda guud ee magaalada Baydhabo ayaa saaka degan, waxaana dib u furmay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodka dadka, inkastoo wali laga dareemayo cabsi la xiriirta suurtagalnimada dagaallo kale oo soo noqda.









