LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamo ka tirsan Puntland oo mushaar la’aan u gadooday

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa maanta gadood ka sameeyay deegaanka Falluuja ee degmada Carmo, kaddib markii ay sheegeen in muddo dheer aysan helin mushaaraadkoodii.

Ciidamada gadoodsan ayaa xiray waddada dheer ee isku xirta deegaanka, iyagoo hakiyay isu socodkii gaadiidka, waxaana la sheegay inay diideen in wax gaadiid ah halkaasi ka gudbo ilaa laga xalliyo cabashadooda.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada gadoodsan, waxay maamulka Puntland marar badan ka dalbadeen in la siiyo xuquuqdooda iyo mushaaraadka ka maqan, balse ay sheegeen inaan wax jawaab ah laga helin.

Gadoodkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo bilihii u dambeeyay ay soo noqnoqdeen cabashooyinka ciidamada Puntland ee la xiriira dib u dhaca mushaaraadka. Marar badan ayay horey u dhacday in ciidamo careysan ay xiraan waddooyin muhiim ah si ay cadaadis ugu saaraan dowladda inay bixiso xuquuqdooda.

Dhacdadan ayaa mar kale muujineysa caqabadaha dhaqaale iyo maamulka ee saameynaya ciidamada Puntland, iyadoo shacabka iyo gaadiidleydu ay la kulmeen hakad ku yimid isu socodka waddada muhiimka ah ee deegaanka Falluuja.

Maamulka Puntland ayaanan wax war ah kasoo saarin ama qaadin wax tallaabo ah oo ay ku qancinayaan ciidamada gadooday ee ka cabanaya mushaar la’aanta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *