Ciidamada Xoogga Dalka oo khaarijiyay Horjoogihii Al-Shabaab u qaalbisanaa qorista Maleeshiyaadka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo gaar ah oo ka dhacay deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, Cabdisalaam Macallin Abukar, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda.
Sarkaalka la dilay ayaa muddo dheer lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa qorista xubnaha cusub ee Al-Shabaab iyo ururinta lacago baad ah oo si qasab ah looga qaadi jiray shacabka. Ciidamada ayaa la sheegay inay muddo la socdeen dhaqdhaqaaqiisa, ka hor inta aan lagu beegsan howlgal gaar ah oo la fuliyay 10-kii Luulyo 2026, xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Hantiwadaag.
Howlgalka ayaa sidoo kale dhaawac culus lagu gaarsiiyay Macallin Da’uud, oo lagu tilmaamay inuu ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa waxa ay kooxdaasi ugu yeerto sirdoonka iyo amniga gudaha.
Wararka sirdoonka ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab maanta deegaanka Hantiwadaag ku aaseen Cabdisalaam Macallin Abukar, kaddib markii lagu dilay howlgalka.
Sida ay sheegtay dowladda, labada sarkaal ayaa xilliga la beegsanayay ku howlanaa qorsheynta falal argagixiso oo lagu waxyeelleyn lahaa shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale adkeeyay inay sii wadi doonaan howlgalada gaarka ah ee lagu beegsanayo hoggaanka Al-Shabaab, meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.









