LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sheekh siweyn u taageeri jiray Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhul boob ka cabanaya

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya, isla markaana hore uga difaaci jiray eedeymaha la xiriira dhul-boobka, ayaa haatan ka hadlay muran ku saabsan dhul uu sheegay inuu ku yaallo magaalada Muqdisho, isla markaana la boobayo.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Sheekh Cali Wajiis ku sheegay in dhulka la isku hayo uu yahay hanti ay leeyihiin dad shacab ah, islamarkaana si sharci ah loo diiwaangeliyay sanadkii 1988.

Sheekha ayaa tilmaamay in dhulkan uu ku yaallo agagaarka Jaamacadda Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Daaru Salaam, isla markaana loo yaqaano “Goofka Reer Ow Maxaad”.

“Dhulka Goofka Reer Ow Maxaad ee deriska la ah Jaamacadda Muqdisho Daaru Salaam, ee Nooloostada loo soo qaatay, waa dhul shacab leeyahay oo la sharciyeeyay bishii Maarso 1988,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale, wuxuu baaq u diray mas’uuliyiinta dowladda, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan ku takrifalka hantida shacabka.

“Dadka siyaasiyiinta ah, ganacsatada iyo maamulka Gobolka Banaadir, Ilaahay ha uga baqaan xoolaha shacabka, hana lagu boobin magac aan jirin. Waa ceeb adduunyo iyo cadaab aakhiro,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka Sheekh Cali Wajiis ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira dhulalka la isku hayo ee ka jira magaalada Muqdisho, iyadoo marar badan ay soo baxeen eedeymo ku saabsan in dhulal shacab iyo dowladeed si sharci darro ah loo boobaayo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *