LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamo guri Guri u galay Xaafadaha ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo Cabsi soo wajahday Villa Somalia

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka howlgallo baaritaanno ah ka sameeyay xaafado dhowr ah oo ku teedsan agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasi oo lagu sheegay kuwo lagu xaqiijinayo amniga islamarkaana looga hortagayo falal amni darro oo ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka howlgalka laga fuliyay ayaa sheegay in ciidamo aad u badan lagu arkayay waddooyinka iyo xaafadaha ku dhow Madaxtooyada, iyadoo ciidamadaasi ay sameynayeen baaritaanno adag oo lagu hubinayay gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee halkaasi marayay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in intii uu howlgalka socday la soo qabtay tiro dad ah oo ciidamada ammaanku uga shakiyeen arrimo la xiriira amniga, kuwaasi oo hadda baaritaanno dheeraad ah lagu hayo. Lama shaacin tirada rasmiga ah ee dadka la qabtay iyo waxa si gaar ah loogu tuhunsan yahay.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso amniga xarumaha muhiimka ah ee dowladda, gaar ahaan Madaxtooyada iyo goobaha kale ee muhiimka u ah maamulka dowladda Federaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saaka howlgalka uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, maadaama si aad ah loo adkeeyay dhaq-dhaqaaqa xaafadaha qaar, islamarkaana ciidamada ay xirayeen waddooyin muhiim ah muddadii uu howlgalka socday.

Dad badan ayaa aaminsan in howlgalkan uusan aheyn mid lagu raadinayo Al-Shabaab, hayeeshee uu yahay howlgal lagu baadi goobayo xubno xiriir la leh mucaaradka, ama saraakiil iyo Askar shaki laga qabo, kuwaas oo degan Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *