Sawirro:- Ciidamadii xoog kula wareegi lahaa Baydhabo oo la soo bandhigay iyo xiisad ka dhalatay

Waxaa maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa duleedka Magaalada Baydhabo kadib markii halkaasi lagu soo bandhigay boqolaal askari oo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Ciidamadan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayay fariisimo ku yaalla hareeraha magaalada, iyagoo sameynayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo sare u qaaday walaaca laga qabo amniga deegaanka.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay hoggaaminayaan saraakiil iyo masuuliyiin hore uga tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed, waxaana kamid ah Wasiirkii hore ee Amniga Xasan Cabduqaadir Maxamed iyo Afhayeenkii hore Xasan Cabdi Maxamed oo la arkayay iyagoo la socda ciidamada.
Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay magaalada Baydhabo uga saari lahaayeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan la geeyay halkaasi. Waxay sidoo kale sheegeen inay “dhowaan guulo ka gaari doonaan howlgalka ay qorsheynayaan.”
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ay cabsi ku abuureen shacabka ku nool Baydhabo iyo nawaaxigeeda, iyadoo ganacsiyada qaar iyo isku socodka dadka uu saameyn yeeshay saacadihii lasoo dhaafay.
Ilaa iyo hadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed si rasmi ah ugama aysan hadlin ciidamada lagu soo bandhigay duleedka Baydhabo iyo hadallada kasoo yeeray saraakiisha hoggaamineysa.










