Ciidamada Laftagareen oo soo saaray hanjabaad cusub iyo dagaal…

Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Baydhabo.
Afhayeen u hadlay ciidamadaasi, Ugaas Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay inay ciidamada Federaalka ka saaraan Baydhabo, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu Koonfur Galbeed ku soo rogo ajandihiisa siyaasadeed iyo amni.
“Hassan Sheekh iyo kooxdiisa ma guuleysan doonaan. Ciidamadooda waan ka saareynaa Baydhabo, waana xoreynaynaa magaalada,” ayuu yiri Ugaas Xasan.
Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalku uu qaadan karo waqti dheer, balse ay sii wadi doonaan ilaa ay ciidamada ay u arkaan “duullaan” ka saaraan magaalada.
Dhanka kale, wuxuu digniin u diray Turkiga, isagoo sheegay in aysan ka baqayn diyaaradaha dagaalka iyo hubka casriga ah ee loo keeno Baydhabo.
“Ma ka baqeyno diyaaradaha Turkiga. Hub kasta oo casri ah oo Baydhabo la keeno nama cabsi gelin doono,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in kooxdiisu aaminsan tahay inay u dagaallamayso xorriyaddooda iyo dhulkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin dagaal daba dheeraada.
“Wax kasta oo aad nagu magacaabaan, waxaan nahay dagaalyahanno xorriyad-doon ah, waxaana muujin doonnaa inaan idinka adkaan karno,” ayuu yiri Ugaas Xasan.
Baydhabo ayaa xuddun u noqotay xiisad siyaasadeed iyo mid militari oo u dhexeysa dhinacyada taageersan Laftagareen iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.









