Museveni oo Xasan Sheekh ugu hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya haddii uusan…

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa cadaadis cusub saaray Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, iyadoo Uganda lagu soo waramayo inay ka fiirsanayso dhimista ama dib-u-eegista ka-qaybgalkeeda howlgalka AUSSOM haddii aan la furin wada-hadal siyaasadeed oo qaran oo Soomaaliya ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo Uganda ay walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho iyo kala fogaanshaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada siyaasadda ee mucaaradka.
Khilaafka ayaa si gaar ah uga dhex muuqday shirkii madaxda dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM ee lagu qabtay Kampala, halkaas oo Madaxweyne Hassan Sheikh uu ka horyimid in si toos ah bayaanka loogu daro baaq ku saabsan wada-hadal u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Hassan Sheikh ayaa ku dooday in arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya ay yihiin arrimo gudaha ah, isla markaana shirka diiradda lagu saarayay amniga iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM.
Si kastaba, bayaankii ugu dambeeyay ee shirka ayaa xoogga saaray midnimada qaranka, dib-u-heshiisiinta iyo xal siyaasadeed, taasoo muujinaysa in dalalka gobolka ay doonayaan in khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya lagu daro dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka.
Digniinta Museveni waxay Soomaaliya gelin kartaa cadaadis cusub, iyadoo Uganda ay muddo dheer ka mid ahayd dalalka ugu muhiimsan ee ciidamada ka jooga Soomaaliya.









