LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada DFS oo ka baxay difaacyadoodii & Kuwa Laftagareen oo kusoo siqaya duleedka Baydhabo

Xiisadda amni ee magaalada Baydhabo ayaa sii xoogeysatay, iyadoo ciidamada Federaalka Soomaaliya ee dhowaan laga qaaday Muqdisho lana geeyay Baydhabo ay ka baxeen fariisimihii ay hore ugu sugnaayeen duleedka magaalada, isla markaana difaacyo cusub ka sameysteen gudaha magaalada Baydhabo.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada ay fariisimo ka dhigteen waddooyinka muhiimka ah iyo agagaarka xaafadaha ay dadku deggan yihiin, halka ay gebi ahaanba ka guureen saldhigyadii hore ee bannaanka magaalada.

Isbeddelkan dhinaca ciidamada ah ayaa kusoo beegmaya xilli warar isa soo taraya ay sheegayaan in ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), lagu arkay deegaanno ku dhow duleedka Baydhabo, iyagoo sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyadooda ciidan.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada Laftagareen ay muujiyeen ujeeddo ah inay magaalada ka saaraan ciidamada taabacsan dowladda Federaalka, arrintaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo iska horimaad ka qarxa Baydhabo.

Ilaa iyo hadda, dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed midkoodna si rasmi ah ugama hadlin dhaq-dhaqaaqyada cusub ee ciidamada, hase yeeshee xaaladda Baydhabo ayaa lagu tilmaamayaa mid aad u kacsan, iyadoo shacabka magaalada ay si dhow ula socdaan xaaladda amni ee isa soo taraysa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *