Midowga Afrika Oo Ka Digay Dib U Soo Laabashada Al-Shabaab Haddii Ay Arrintaan Dhacdo

Midowga Afrika ayaa ka digay in guulihii amni ee Soomaaliya laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay halis geli karaan haddii aan la helin taageero siyaasadeed iyo maalgelin waarta oo lagu sii xoojiyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, oo ka hadlay shir aan rasmi ahayn oo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) uga doodayay mustaqbalka AUSSOM, ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid laf-dhabar u ah dadaallada lagu xoojinayo amniga Soomaaliya, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in loo helo dhaqaale joogto ah iyo taageero siyaasadeed oo mideysan.
Youssouf wuxuu carrabka ku adkeeyay in AUSSOM ay tahay inay noqoto howlgal waara, dabacsan oo si istiraatiiji ah u jihaysan, si ay u taageerto Soomaaliya inta ay si buuxda ula wareegayso mas’uuliyadda amniga dalka. Wuxuu sidoo kale xusay in Afrika ay tahay inay si madax-bannaan u maalgeliso howlgaladeeda nabad ilaalinta, halkii ay ku tiirsanaan lahayd dhaqaale dibadeed oo aan la isku halleyn karin.
“Mustaqbalka AUSSOM waa inuu ku saleysnaadaa himilooyin cadcad oo istiraatiiji ah, si loo ilaaliyo guulihii naf iyo maalba lagu bixiyay ee Soomaaliya laga gaaray,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay dedejiyaan hirgelinta Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika, dhaqan geliyaan canshuurta 0.2% ee badeecadaha la soo dejiyo, isla markaana ay kordhiyaan tabarucaadka tooska ah ee lagu maalgelinayo howlgalada nabad ilaalinta.
AUSSOM ayaa si rasmi ah u billowday 1-dii Janaayo 2025, iyadoo beddeshay howlgalkii ATMIS. Hawlgalkan cusub ayaa loogu talagalay inuu isku daro awoodaha ciidamada, booliiska iyo dhinacyada rayidka si loo taageero qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya, loogana caawiyo ciidamada Soomaaliyeed la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish.
Qorshaha hadda jira ayaa dhigaya in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya, iyadoo geeddi-socodkaasi la qorsheeyay inuu dhammaado bisha Diseembar 2029. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaaday in howlgalka uu yeesho ilaa 11,826 askari iyo booliis, iyadoo la qorsheeyay in dhammaadka sanadkan la dhimo 800 askari, maadaama ciidamada Soomaaliyeed ay sii kordhinayaan doorkooda amni.









