FBI oo Baadi-goob Caalami ah Ku Billowday Fahad Maxamed Nuur

Wasaaradda Cadaaladda ee Mareykanka ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in Fahad Maxamed Nuur lagu daray liiska cusub ee “dadka loogu doon doonista badabtahay” ee Hay’adda Baarista Federaalka (FBI), iyadoo lagu eedeeyay inuu door weyn ku lahaa musuqmaasuq ballaaran oo lagu dhacay Barnaamijka Nafaqeynta Carruurta ee dowladda federaalka xilligii cudurka COVID-19.
Sida ay sheegtay FBI-da, Fahad Maxamed Nuur ayaa lagu tuhunsan yahay inuu si sharci darro ah uga qaatay in ka badan $5 milyan oo doollar lacagihii loogu talagalay quudinta carruurta ee gobolka Minnesota.
Hay’addu waxay sheegtay in Fahad uu yahay muwaadin Mareykan ah oo la jinsiyadeeyay, isla markaana uu xiriir la leeyahay Soomaaliya, iyadoo la rumeysan yahay inuu hadda ku sugan yahay gudaha dalka Soomaaliya.
Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa sheegay in dadaallada lagu ciribtirayo musuqmaasuqa ee maamulka Madaxweyne Donald Trump iyo Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance ay horseedeen guulo muuqda.
“Liiska taariikhiga ah ee dadka loogu doon doonista badanyahay ee ku kacay musuqa wuxuu durba keenay natiijooyin wax ku ool ah, iyadoo laba ka mid ah dadka la raadinayay lagu soo qabtay toddobaadyadii la soo dhaafay gudaha Soomaaliya iyo Filibiin,” ayuu yiri Patel.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baadigoobka Fahad Maxamed Nuur si loo horgeeyo caddaaladda loogana jawaabo eedeymaha culus ee loo haysto.









