LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada DFS oo difaacyo ka sameystay gudaha xaafadaha & Ciidanka Laftagareen oo ku…

Xiisadda magaalada Baydhabo ayaa gaartay heer cusub, iyadoo warar laga helayo ilo deegaanka ah ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Federaalka ee taageersan maamulka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ay dib uga gurteen qaar ka mid ah fariisimihii difaaca ee daafaha magaalada, isla markaana ay godad difaac iyo xeyndaabyo ciidan ka sameysteen gudaha xaafadaha ay shacabka deggan yihiin.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, tallaabadan ayaa timid kadib markii ciidamada isku magacaabay Xoogagga Xorta ah ee Koonfur Galbeed, oo taageersan madaxweynihii hore Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ay sare u qaadeen dhaq-dhaqaaqyadooda militari ee ku hareereysan Baydhabo.

Kooxdan ayaa hore u shaacisay inay damacsan tahay inay la wareegto magaalada Baydhabo, iyagoo ku tilmaamay howlgalka mid ay ku “xoraynayaan” magaalada, halka ay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen inay ciidamo ka keentay Muqdisho si ay u taageeraan maamulka Aadan Madoobe.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay jiraan askar iyo saraakiil ka goostay ciidamada dowladda, kuwaas oo la sheegay inay ku biireen ciidamada Lafta Gareen taageersan. Inkasta oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin tirada ciidamada la sheegay inay goosteen, haddana wararkan ayaa sii kordhiyay walaaca laga qabo isu dheellitirnaanta awoodda labada dhinac.

Waxaa si weyn looga digaya in ciidamada oo difaac ka samaysta xaafadaha shacabka ay kordhin karto khatarta ay dadka rayidka ah wajahaan haddii dagaal toos ah uu ka qarxo gudaha magaalada.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed kama aysan hadlin wararka la xiriira dib-u-gurashada ciidamada iyo dhufeysyada laga sameeyay gudaha xaafadaha Baydhabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *