Cabdalla Cabdalla oo lagu eedeeyay inuu Shabeellaha Hoose ka dhisayo maleeshiyaad la mid ah RSF-ta Suudaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeedisay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), iyadoo ku andacootay in ay ku lug leedahay qorshe lagu dhisayo maleeshiyaad hubeysan oo ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu sheegay inay la mid noqonayaan ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee Suudaan.
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooxdaasi la doonayo inay noqoto awood hubeysan oo ka shaqeysa xasilooni darrada dalka isla markaana wiiqda amniga Soomaaliya.
Mas’uulkan ayaa sidoo kale si toos ah farta ugu fiiqay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Cabdalla Cabdalla, isagoo ku eedeeyay inuu fulinayo ajande shisheeye.
“Cabdalla Cabdalla, isagoo u shaqeynaya dowlad shisheeye, wuxuu ka wadaa Shabeellaha Hoose dhismaha ciidan la mid ah RSF-ta Suudaan,” ayuu yiri Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, mas’uulka dowladda ma soo bandhigin caddeymo uu ku taageerayo eedeymahan.
Dhanka kale, Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Taliye Ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Cabdalla Cabdalla ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymahan.
Eedeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya iyo UAE uu marar kala duwan wajahayay muran iyo ismaandhaaf, iyadoo hadalladan la filayo inay sii kordhiyaan xiisadda haddii aysan dhinacyadu ka bixin jawaab rasmi ah.









