LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Cabdicasiis Laftagareen oo lagu duqeeyay duleedka Baydhabo & Turkiga oo xoojiyay…

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay duqeyn dhinaca cirka ah lagu qaaday deegaanka Ceel-Muud, oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamo Daraawiish ah oo taabacsan garabka Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Dhowr gantaal ayaa la sheegay inay ku dhaceen deegaanka, iyadoo dadka ku dhow goobta ay soo sheegeen inay maqleen qaraxyo xooggan iyo dhaq-dhaqaaq diyaarado ah. Ilaa hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli Baydhabo iyo nawaaxigeeda ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid militari oo sii xoogeysanaysa, iyadoo dhinacyada isku haya maamulka Koonfur Galbeed ay ciidamo ku kala urursanayaan deegaanno ku dhow magaalada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan inta u dhexeysa Baydhabo iyo Buurhakaba, iyadoo dhinacyada isku haya ay isku hayaan gacan-ku-haynta magaalada iyo cidda xaqa u leh hoggaanka Koonfur Galbeed.

Waxaa intaas dheer in masuuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Baydhabo ay hore shacabka ugu digeen inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Laftagareen iyo meelaha loo qorsheynayo howlgallada militari.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmeysa maalmo kadib markii dagaallo iyo weerarro hubeysan ay ka dhaceen Baydhabo, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamo taabacsan Laftagareen ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidan oo magaalada ku yaalla.

Xaaladda Baydhabo ayaa sidaas darteed sii galeysa marxalad xasaasi ah, iyadoo dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo duqeymaha laga soo sheegayo duleedka magaalada ay sare u qaadeen walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho iska horimaad militari oo ballaaran.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *