Ciidanka Danab oo gacanta ku Dhigay Shabaab minooyin diyaarinayay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu fashiliyey qorshe lagu doonayay in miinooyin lagu aaso waddooyinka ay si joogto ah u isticmaalaan shacabka.
Howlgalka oo ay fuliyen ciidamo ka tirsan Ururka 161-aad ee Danab ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno lagu tuhunsan yahay inay ku howlanaayeen abaabulka iyo diyaarinta qaraxyada, iyadoo ciidamada ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan shabakaddaasi.
Sida lagu sheegay warbixinta, qorshaha la fashiliyey ayaa la xiriiray in qaraxyo lagu beegsado waddooyinka isku xira gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay, kuwaas oo muhiim u ah isu socodka shacabka iyo gaadiidka.
Ciidamada Danab ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay howlgallo amni oo lagu xaqiijinayo badqabka waddooyinka iyo deegaanada ku dhow Leego, iyadoo ciidamada dowladda ay wadaan dadaallo lagu burburinayo shabakadaha loo aaneynayo diyaarinta qaraxyada.
Leego iyo deegaanada ku dhow ayaa muhiim u ah isku socodka dhulka ee u dhexeeya koonfurta iyo gobollada Bay, waxaana waddooyinkaas horey uga dhacay weerarro iyo falal amni darro.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in howlgallada noocan ah ay sii socon doonaan, iyadoo ciidamada dowladda ay xoogga saarayaan ka hortagga miinooyinka iyo qaraxyada lagu beegsado shacabka iyo dadka isticmaala waddooyinka.










