Beesha Xawaadle oo soo saartay go’aanno gilgilay siyaasadda Hirshabeelle

Waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha Xawaadle ayaa soo saaray go’aanno siyaasadeed oo culus, iyagoo si cad uga hor yimid hannaanka doorasho ee la qorsheynayo in lagu dhiso maamulka Hirshabeelle.
Kulamo maalmo ka socday magaalada Beledweyne ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee gobolka Hiiraan iyo mustaqbalka Hirshabeelle, waxaana kasoo baxay war-murtiyeed ay Xawaadle ku dalbanayso in la hakiyo doorashooyinka iyo tallaabooyinka lagu wado dhismaha maamulka cusub.
Xawaadle waxay sheegtay in aan Hiiraan lagu sameyn karin hannaan siyaasadeed oo aan heshiis iyo wada-tashi laga gaarin, iyadoo ku adkeysatay in bulshada deegaanka ay door muuqda ku yeelato go’aannada la xiriira mustaqbalka maamulka.
Sidoo kale, beesha ayaa dalbatay in dhismaha Hirshabeelle saddexaad lagu saleeyo hannaan loo dhan yahay, iyadoo xoogga la saarayo matalaad, caddaalad iyo awood-qaybsi ay dhinacyada kala duwan ku wada qanacsan yihiin.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale xambaarsanaa digniin ku saabsan in doorasho aan heshiis siyaasadeed lagu ahayn ay dhalin karto qalalaase iyo gacan-ka-hadal, iyadoo Xawaadle ku baaqday in khilaafka lagu xalliyo wada-tashi iyo is-afgarad siyaasadeed.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu jiro qorshe la xiriira dib-u-dhiska iyo doorashada maamulka Hirshabeelle, iyadoo tabashooyinka siyaasadeed ee Hiiraan ay mar kale noqdeen qodob xasaasi ah oo saameyn ku yeelan kara geeddi-socodka maamulka.
Xawaadle waxay ku adkeysatay in aan la dhisi karin Hirshabeelle waarta iyadoo la iska indha-tirayo tabashooyinka iyo rabitaanka bulshada reer Hiiraan.









