Cabdulqaadir Jaamac oo lagu eedeeyay inuu amray duqeyntii Taliye Shub

Madaxii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin, ayaa eedeyn culus u jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqadir Maxamed Nuur, isagoo ku eedeeyay inuu door ku lahaa laba weerar oo lala beegsaday siyaasiyiin iyo saraakiil caan ah.
Fahad Yaasiin oo qoraal ku baahiyay baraha bulshada ayaa sheegay in labada dhacdo ay dhaceen xilliyo uu Nuur xilal ku-meel-gaar ah ka hayay NISA iyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Yaasiin ayaa sheegay in markii ugu horreysay, xilli Nuur uu ahaa ku-simaha Agaasimaha NISA, uu ku eedeeyay inuu hoggaamiyay howlgalkii lagu qaaday hoyga siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee Muqdisho bishii December 2017, kaas oo ay isku dhaceen ciidamada ammaanka, waxaana halkaasi lagu dilay dhowr ka mid ah ilaaladiisa.
Sidoo kale, Yaasiin wuxuu Nuur ku eedeeyay inuu ku lug lahaa duqeyntii/qaraxii dhowaan ka dhacay Doolow, xilli uu ahaa ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay in weerarkaasi lala damacsanaa in lagu beegsado Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan General Shub.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa beenisay in Doolow laga fuliyay duqeyn cirka ah, iyadoo sheegtay in qaraxu ka dhashay walxo loo diyaarinayay samaynta waxyaabaha qarxa.
Ilaa hadda, Guddoomiye Cabduqaadir Maxamed Nuur si rasmi ah ugama jawaabin eedeymaha Fahad Yaasiin, mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay in Nuur uu door ku lahaa labada dhacdo.
Banaadir24 Online — Wararka Soomaaliya iyo dunida.









