Al-Shabaab oo isku uruursanaysa duleedka Xarardheere, ciidamadda oo heegan la geliyay

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda AS ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay laga soo sheegay deegaano ku dhow magaalada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka AS ay isku uruursanayaan qaybo ka mid ah baadiyaha magaalada, gaar ahaan dhulka u dhexeeya Faarax Aadan, Dabagalo iyo Dumaaye.
Dhaqdhaqaaqyadaasi ayaa sare u qaaday feejignaanta ciidamada ku sugan Xarardheere, kuwaas oo bilaabay roondooyin joogto ah iyo heegan dheeraad ah, si looga hortago weerar lama filaan ah oo kooxda ay ku qaaddo magaalada.
Xarardheere ayaa leh muhiimad istiraatiiji ah, waxaana dhulka ku hareeraysan magaalada uu ka kooban yahay bannaano iyo bacaad ay kala dhex galaan dhulka howdka ah, taas oo ka dhigaysa dhaq-dhaqaaqyada ciidan kuwo si gaar ah isha loogu hayo.
Ilaa hadda lama xaqiijin in isku-uruursiga kooxda uu yahay diyaar-garow weerar, balse ciidamada ayaa qaaday tallaabooyin amni oo dheeraad ah, iyagoo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyada ka socda duleedka magaalada.
Wixii kasoo kordha xaaladda Xarardheere iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada, waan idiin soo gudbin doonnaa.









