Mucaaradka oo shuruudo cusub ku xiray gogoshii uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaddib markii ay soo baxeen shuruudo adag oo ay mucaaradku ku xireen ka qeybgalka gogosha wadatashiga siyaasadeed ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaan Cabduladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo ka tirsan mudanayaasha mucaaradka, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in inkasta oo ay diyaar u yihiin inay ka qeyb galaan kulanka la qorsheeyay 10-ka May, haddana ay jiraan saddex qodob oo ay si adag ugu xireen ka soo qeybgalka shirkaasi, kuwaad oo kala ah.
Qodobka koowaad ee mucaaradku soo bandhigeen ayaa ah in Madaxweynaha laga doonayo inuu si degdeg ah u joojiyo doorashooyinka ka socda qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, kuwaas oo ay mucaaradku ku tilmaameen “sharci darro” isla markaana aan waafaqsaneyn nidaamka federaalka iyo heshiisyadii hore.
Qodobka labaad ayaa si toos ah u taabanaya wax-ka-beddelkii dastuurka ee la marsiiyay Baarlamaanka 4-tii Maarso 2026. Mucaaradku waxay ku doodayaan in isbeddelkaasi uusan marin hannaan sharci ah, islamarkaana uu dhaawacayo nidaamka dowladnimo iyo kala dambeynta hay’adaha.
Qodobka ugu culus ayaa ah mid si weyn u xasaasi ah, kaas oo mucaaradku ku dalbanayaan in Madaxweynaha uu si cad u shaaciyo in wixii ka dambeeya 15-ka May uusan sii haysan sharciyad uu xilka ku sii hayo haddii aan dib loo dooran. Arrintan ayaa si toos ah u taabaneysa joogteynta xukunka iyo suurtagalnimada muran siyaasadeed oo sii xoogeysan kara.
Shuruudahaan ayaa muujinaya heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka, iyadoo labada dhinac ay u muuqdaan kuwo ku kala fog mowqifyadooda. Inkastoo kulanka 10-ka May loo arkayay fursad lagu qaboojin karo xiisadda, haddana shuruudaha la soo bandhigay ayaa muujinaya in wadahadalka uu noqon karo mid adag oo aan sahlaneyn.









