Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo Beelaha kala shiraya doorashooyinka KGS

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Beesha Eelaay, oo ka mid ah beelaha dega deegaannada maamulkaas.
Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga, nabadda, iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka socda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Hoggaamiyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay odayaasha iyo waxgaradka Beesha Eelaay kaalinta muuqata ee ay ka qaateen nabadeynta iyo xasillinta deegaannada, isagoo ku tilmaamay doorkooda mid laf-dhabar u ah horumarka bulshada.
Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa sheegay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso la shaqeynta odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo xoojiyo nabadda loona dardargeliyo horumarka. Wuxuu xusay in iskaashi dhow uu yahay furaha lagu gaari karo xasillooni waarta iyo dowladnimo dhisan.
Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Beesha Eelaay ayaa soo dhoweeyay kulanka, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda dadaallada nabadda iyo midnimada bulshada. Waxay sidoo kale tilmaameen in ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xalinta khilaafaadka iyo taageeridda qorsheyaasha horumarineed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee maamulka Koonfur Galbeed uu ku xoojinayo xiriirka kala dhexeeya bulshada, gaar ahaan odayaasha dhaqanka oo door muhiim ah ku leh xasilloonida iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.









