Xubin ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran oo Nolol & Geeri lagu la’yahay
Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo maqnaanshaha Ducaale Cali Xeef oo kamid ahaa dhalinyarada Muqdisho, isla markaana xubin ka ah Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.
Ducaale ayaa sidoo kale si weyn loogu yaqaanay aragtiyihiisa siyaasadeed, gaar ahaan dhaliilaha uu u jeedin jiray hab-maamulka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa oo la xiriiray warbaahinta, Ducaale Cali Xeef ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay isagoo fadhiya Hotel Dayax magaalada Muqdisho, xilli ay ahayd maqribnimadii shalay. Tan iyo waqtigaas, xiriirkiisii gebi ahaanba waa go’ay, lamana oga meel uu ku sugan yahay.
Qoyska ayaa sheegay inay si degdeg ah ula xiriireen laamaha ammaanka kadib markii ay waayeen wax xiriir ah oo ay la sameeyaan, balse ayan helin wax jawaab rasmi ah oo caddeynaysa xaaladda wiilkooda.
Ehelada Ducaale waxay muujinayaan walaac xooggan oo ku aaddan suurtagalnimada in wiilkooda la afduubtay ama uu ku jiro gacanta hay’adaha dowladda. Waxay sheegeen in xaaladdan ay ku abuurtay cabsi iyo hubanti la’aan, maadaama aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay halka uu ku sugan yahay.
“Waxaan ka baqeynaa in wiilkeenna la afduubtay ama la xiray, balse aan naloo sheegin sababta,” ayay yiraahdeen qaar kamid ah qoyskiisa.
Qoyska ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka inay si degdeg ah uga jawaabaan kiiskan, isla markaana ay caddeeyaan haddii Ducaale Cali Xeef uu ku jiro gacantooda.
Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli ku dhawaad Saddex todobaad ay dowladda Soomaaliya u xiran tahay Sacdiyo Macalin oo kamid aheyd Dadka sida weyn u dhaliili jiray Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.









