LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Fadeexad Culus: Hantidii Qaranka oo Dibadda Lagu Xaraashay, Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay Musuq Baahsan

Warar soo baxaya ayaa muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si qarsoodi ah u iibisay hanti qaran oo ku taalla gudaha iyo dibadda dalka, iyadoo aan la marin hannaan sharciyeed iyo nidaam maaliyadeed oo hufan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in tan iyo bilowgii sanadkii 2023 ilaa hadda la xaraashay in ka badan shan dhisme oo diblumaasiyadeed oo ay lahayd Soomaaliya, kuwaas oo ku kala yaallay dalal kala duwan. Goobahan la iibiyey waxaa ka mid ah xarumo safaaradeed, qunsuliyado, guryo ay deganaayeen diblumaasiyiinta, iyo sidoo kale xarumo ay lahayd shirkaddii Somali Airlines.

Sida ay ogaatay Banaadir24 Online, habka loo maray iibinta hantidan ayaa si weyn shaki u gelinaya hufnaanta maamulka, iyadoo la tuhunsan yahay in laga leexday nidaamyadii rasmiga ahaa ee maaliyadda iyo habraacyadii dowliga ahaa ee iibgeynta.

Dhaqaalaha ka soo xarooday iibkan ayaa la rumeysan yahay in aan si waafaqsan loo marin hay’adaha ku shaqada leh maareynta hantida qaranka, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo musuq-maasuq baahsan iyo hufnaan la’aan ka jirta maamulka hantida ummadda.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka oo ku saabsan eedeymahan culus, balse cadaadiska siyaasadeed iyo kan dadweyne ayaa isa soo taraya, iyadoo la dalbanayo in si degdeg ah loo bixiyo faahfaahin cad iyo isla xisaabtan dhab ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *