DUNIDAWARARKA

Mareykanka oo dib usoo celinaya xiriirkii uu la lahaa Eritrea & Cunaqabateynta oo…

Warbixin uu daabacay wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegaysa in dowladda Mareykanka ay ka fiirsaneyso dib-u-habeyn iyo hagaajin lagu sameeyo xiriirka kala dhexeeya Eritrea, iyadoo ay jirto suurtagalnimada in la dabciyo cunaqabateynta saaran dalkaas. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo dib loogu eegayo siyaasadda gobolka Badda Cas.

Warbixinta oo soo xiganeysa saraakiil hadda xilal haya iyo kuwo hore, ayaa tilmaamaysa in qorshahan oo weli dib-u-eegis ku jira uu yahay mid lagu doonayo in dib loo furo xiriir diblumaasiyadeed oo heer sare ah oo lala yeesho Eritrea, oo muddo dheer go’doon ku jirtay, isla markaana gacanta ku haysa xeeb ka badan 1,120 kiiloomitir oo ku teedsan Badda Cas.

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli Washington ay dadaal ugu jirto ka hortagga khataraha isa soo taraya ee ku wajahan marinnada badda, oo ay ka mid yihiin kuwa ay wadaan Iran iyo xulafadeeda gobolka.

Xaaladdan diblumaasiyadeed ayaa sii degdegay iyadoo ay cirka isku shareertay xiisadda marinnada muhiimka ah ee maraakiibta. Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta Yemen, isla markaana ay taageerto Iran, ayaa marar badan ku hanjabtay inay carqaladeyn doonto maraakiibta mara marin-biyoodka Bab al-Mandeb, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Dhanka kale, Tehran ayaa muujisay dadaallo ay ku xaddidayso isu socodka maraakiibta ee marin biyoodka Hormuz.

Saraakiisha Mareykanka ayaa aaminsan in juqraafi ahaan Eritrea ay door muhiim ah ka ciyaari karto ilaalinta marinnada kale ee badda ee muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah iyo dhaqdhaqaaqa milatari, sida lagu sheegay warbixinta.

Qorshahan xiriir-dhiska ah waxaa ka mid ah in ergeyga Mareykanka u qaabilsan Afrika, Massad Boulos, uu la kulmay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Osman Saleh Mohammed, iyadoo Masar ay fududeysay wadahadallada labada dhinac.

Inkasta oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay muujisay xiisaha ay u qabto xoojinta xiriirka Eritrea, haddana wali si rasmi ah looma xaqiijin qorsheyaal lagu qaadayo cunaqabateynta. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in doodaha gudaha ee maamulka Trump ay gaabis ku keeneen horumarka qorshahan, maadaama ay jiraan dhibaatooyin kale oo siyaasadeed oo mudnaan la siiyay, oo ay ka mid yihiin xiisadaha la xiriira Iran iyo colaadda Gaza.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *