LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Jubbaland oo digniin adag soo saartay sheegtayna in muddo xileedka Xasan Sheekh ku egyahay 15 May

Kismaayo (Banaadir24 Online) — Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed culus oo si toos ah uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo ka digay faragelin ay ku tilmaameen mid khatar ku ah jiritaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Golaha oo kulan degdeg ah ku yeeshay magaalada Kismaayo 23-ka Abriil 2026, ayaa hoosta ka xariiqay in muddadii sharciyeed ee hay’adaha Federaalka ay dhammaatay, iyagoo tixraacaya qodobka 60-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah. Waxay si cad u sheegeen in Baarlamaanka Federaalka uu waqtigiisu ku ekaaday 14-kii Abriil, halka muddo-xileedka Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May ee soo socota.

Jubaland ayaa si adag u cambaareysay tallaabooyin ay ku sheegtay “faragelin siyaasadeed oo qaawan” oo lagu hayo dowlad goboleedyada, taas oo ay ku tilmaameen mid dhaawaceysa nidaamka Federaalka isla markaana abuureysa jahwareer siyaasadeed iyo mid amni.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabooyinka noocaas ah ay horseedi karaan burbur iyo kala qeybsanaan hor leh, xilli dalka uu marayo marxalad xasaasi ah oo u baahan wadajir iyo mas’uuliyad siyaasadeed.

Golaha Xukuumadda Jubaland ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya in ay si degdeg ah u joojiyaan ficillada hurinaya khilaafka, ayna u hoggaansamaan sharciga iyo heshiisyadii horey loo gaaray si looga hortago qalalaase cusub.

Ugu dambeyn, Jubaland waxay carrabka ku adkeysay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wadahadal dhab ah iyo is-afgarad siyaasadeed, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo kalsoonida hay’adaha dowliga ah.

— Banaadir24 Online

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *