Dowladda Federaalka oo cadaadis cusub wajahaysa Kadib duqeyntii General Shub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis sii xoogeysanaya oo uga imaanaya dowladaha taageera dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo qaar ka mid ah dalalka deriska, kuwaas oo dib u qiimeynaya dhacdadii ka dhacday Doolow ee ilaa hadda aysan dowladda si rasmi ah uga bixin faahfaahin dhammeystiran.
Inkastoo dowladda ay horey u beenisay inay ku lug leedahay weerarka, haddana mowqifkaas ayaa dhalisay walaac iyo su’aalo hor leh oo la xiriira badqabka madaxda dowladda iyo guud ahaan amniga dalka.
Dhacdada Doolow ayaa sidoo kale sare u qaaday shakiga laga qabo in kooxo kale ay ka faa’iideysan karaan xaaladda, gaar ahaan haddii aan si cad loo xaqiijin cidda ka dambeysay weerarka iyo nooca hubka ama diyaaradaha loo adeegsaday.
Sida ku cad xog amni oo ay heshay Banaadir24 Online, islamarkaana la sheegay in lala wadaagay hay’ado amni oo saldhigoodu yahay Muqdisho, kooxaha argagixisada ayaa la sheegay inay heleen diyaarado Drone ah oo noocyo kala duwan leh.
Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in xubno ka tirsan kooxahaasi ay tababarro la xiriira adeegsiga diyaaradaha Drone-ka ku soo qaateen Yemen, iyadoo ilo xog-ogaal ah ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah qalabkaas la soo geliyay Muqdisho.
Dhanka kale, xogo aan weli si rasmi ah loo shaacin ayaa sheegaya in mid ka mid ah diyaaradaha Drone-ka ee loo adeegsado duqeymaha iyo sahanka, taas oo la sheegay in Soomaaliya la keenay bilo ka hor, ay la kulantay iska caabin keentay in uu jahawareer ku yimaado nidaamkeeda hagidda, taasoo sababtay inay ka baxdo barta loogu talagalay.
Xogtan ayaa lagu sheegay inay sababtay in dhinac shisheeye uu Villa Somalia gaarsiiyo digniin ku saabsan in qalab awood leh oo la xiriira diyaaradaha Drone-ka lagu soo kordhiyay ama lagu arkay agagaarka caasimadda.
Si kastaba, dhammaan xogaha ku saabsan cidda adeegsanaysa Drone-yada iyo xiriirkooda dhacdadii Doolow weli waxay u baahan yihiin xaqiijin rasmi ah oo dheeraad ah.









