LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Caawa xirtay Saddex Wariye iyo walaac laga muujiyay

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku xiray saddex wariye oo ka tirsan warbaahinta gudaha, iyadoo illaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin sababta loo xiray iyo goobta lagu hayo.

Wariyeyaasha la xiray ayaa kala ah:

  • Cabdishakuur Maxamed Maxamuud oo ka tirsan Somali Stream
  • Maxamed Ibraahim Bulbul oo ah Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Somali Journalists Syndicate (SJS)
  • Cabdixafiid Nuur Barre oo ka tirsan Somali Cable TV

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, saddexda wariye ayaa la qabtay xilli ay ku sugnaayeen bartamaha magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugnaayeen goob maqaaxi ah.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in aan wali la ogeyn halka rasmiga ah ee lagu hayo wariyeyaashaasi, waxaana arrintan walaac xooggan ka muujiyay qeybaha warbaahinta iyo bulshada rayidka ah.

Dhanka kale, laamaha ammaanka dowladda Federaalka ayaan wali wax war rasmi ah kasoo saarin xarigga wariyeyaashan iyo eedaha loo haysto.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul uga hadlay xarigga wariyeyaasha, isaga oo cambaareeyay tallaabadaasi.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in xarigga wariyeyaashu uu yahay “caburin iyo cabsigelin ka dhan ah xorriyadda saxaafadda”, isagoo ugu baaqay dowladda in si deg deg ah loo sii daayo wariyeyaasha la xiray.

Sidoo kale waxaa jira walaac isa soo taraya oo ku saabsan xaaladda xorriyadda hadalka iyo amniga wariyeyaasha ka howlgala Soomaaliya, iyadoo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay marar badan ka digeen xarigyada loo geysto saxafiyiinta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *