LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Afhayeenka Laftagareen oo u hanjabay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Baydhabo

Afhayeenka maamulka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa farriin adag oo hanjabaad xambaarsan u diray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Afhayeenka oo la hadlayay ciidamo taabacsan maamulka Laftagareen oo ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ayaa dowladda ku eedeeyay inay dhibaatooyin ka dhan ah shacabka ka waddo magaalada, isaga oo si gaar ah u sheegay in ciidamada dowladda ay shalay dhac u geysteen haweenka ka ganacsada jaadka.

Wuxuu sheegay in dhacdadaasi ay caddeyn u tahay digniinihii ay hore u jeedinayeen ee ahaa in dowladda federaalku aysan tallaabooyinkeeda ku wajahneyn maamulka Laftagareen oo keliya, balse ay saameyn toos ah ku yeelanayaan shacabka ku nool Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Afhayeenka ayaa yiri:

“Waxaan duurka ugu jirnaa inaan difaacno dadka iyo dowladnimada Koonfur Galbeed.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed qaarkood ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan tan iyo markii ay ciidamada dowladda gaareen Baydhabo, isagoo xusay in qaar kamid ah dadka deegaanka la xiray isla markaana laga qaaday magaalada Baydhabo, loona gudbiyay xarumo ay leedahay hay’adda nabadsugidda dowladda, oo uu ku tilmaamay xabsiga Godka Jilacow ee Muqdisho.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ay socdaan abaabulo ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay in dhawaan ay “ka xoreyn doonaan” deegaannadaas ciidamada dowladda iyo cid kasta oo uu ku tilmaamay inay kusoo duushay.

Hadalkan kasoo baxay afhayeenka maamulka Laftagareen ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda Baydhabo ay weli kacsan tahay, iyadoo ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xiisado siyaasadeed oo ka taagan magaalada iyo nawaaxigeeda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *