LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mid kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha Soomaaliya oo Shaqo joojin lagu sameeyay

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Axmed Cali, ayaa maanta soo saaray wareegto rasmi ah oo shaqada looga joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda, Mahdi Sheekh Cabdullaahi Cumar.

Warqadda oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka, lambarkeeduna yahay XW/WI&T/136/2026, ayaa lagu sheegay in tallaabadan lagu qaaday Mahdi Sheekh Cabdullaahi Cumar ay dhaqan galayso laga bilaabo 25-ka May 2026.

Sida ku cad qoraalka wasiirka, shaqo joojinta waxaa lagu saleeyay qodobbo sharciyeed oo la xiriira maamulka iyo habsami-u-socodka shaqada Wasaaradda. Wasiirku wuxuu sheegay in Agaasimaha Guud uu ku kacay falal lagu tilmaamay:

Mas’uuliyad gudasho la’aan

Ku xadgudub waajibaadka Wasaaradda

Curyaamin iyo carqaladeyn ku timid habsami-u-socodka howlaha Wasaaradda

Iyo falal loo arkay kuwo dhaawacaya shaqooyinka muhiimka ah ee hay’adda

Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay tahay mid ku meel gaar ah inta laga saarayo hab-dhaqannada lagu eedeeyay Agaasimaha Guud.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa isla wareegtada ku magacaabay Hassan Farah Cabdi inuu si ku-meel-gaar ah u qabto xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda.

Hassan Farah Cabdi ayaa hadda hayay xilka Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, waxaana loo igmaday inuu si ku-meel-gaar ah u maamulo shaqada Agaasimaha Guud ilaa amar dambe.

Wareegtadu waxay faraysaa dhammaan waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda inay la shaqeeyaan Agaasimaha ku-meel-gaarka ah si loo dardargeliyo howlaha Wasaaradda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *