LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay gaadiid dagaal iyo maxaabiis

Ciidamada amniga Puntland ayaa la wareegay 8 baabuur oo nooca dagaalka ah isla markaana qabtay tiro maxaabiis ah oo uu ku jiro sarkaal, kadib howlgal ka dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen hay’adaha amniga Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in baabuurtaasi ay ka tirsanaayeen ciidankii hore ee PSF, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan sheegtay inay ku dartay ciidamadeeda isla markaana loo diiwaangeliyay Ururka 17-aad.

Hay’adaha amniga Puntland waxay sheegeen in tallaabadan ay qeyb ka tahay fulinta go’aankii Golaha Xukuumadda Puntland ee lagu mamnuucay dhaqdhaqaaqa hubka iyo ciidamada aan ku jirin howlgal rasmi ah oo amni.

Sida wararku tilmaamayaan, saqdii dhexe ee xalay ayaa inta badan ciidamadii la socday baabuurtan ay goobta uga baxeen lug, halka Puntland ay deegaanka u dirtay ciidamo dheeraad ah oo sugaya ammaanka iyo xasiloonida.

Ma jiraan ilo ka madax banaan Puntland oo xaqiijinaya sheegashadeeda ah inay ciidanka PSF ka qabsatay gaadiid dagaal iyo maxaabiis.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dhacdadan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *