LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xukuumadda Xasan Sheekh oo dhulka galisay dhaqaalaha Soomaaliya: Warbixin argagax leh oo lasoo saaray

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis isa soo taraya, iyadoo warbixinno cusub oo ay soo saareen Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ay muujinayaan hoos-u-dhac ku yimid kobaca dhaqaalaha, dakhliga ganacsiyada iyo awoodda wax-iibsiga qoysaska Soomaaliyeed.

Warbixinta Xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka ee la daabacay May 2026 ayaa sheegtay in kobaca dhabta ah ee wax-soo-saarka guud ee dalka (Real GDP Growth) uu hoos uga dhacay 4.1% sannadkii 2024, isagoo gaaray 3% sannadkii 2025.

Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale saadaaliyay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu sii gaabin doono sannadka 2026, isagoo hoos ugu dhacaya 2.8%, taasoo muujinaysa cadaadis sii kordhaya oo ku wajahan dhaqaalaha dalka.

Dhanka kale, warbixinta Bangiga Horumarinta Afrika ayaa tilmaamaysa in dakhliga ganacsiyada Soomaaliya uu hoos u dhacay 27% bilihii hore ee sannadka 2026, taasoo muujinaysa culayska dhaqaale ee haysta ganacsatada iyo suuqa gudaha.

Hoos-u-dhac ayaa sidoo kale laga diiwaangeliyay awoodda wax-iibsiga qoysaska. Sida lagu sheegay warbixinta Bangiga Adduunka, kobaca isticmaalka gaarka ah ee qoysaska ayaa ka soo dhacay 8.8% sannadkii 2024 ilaa 3.1% sannadkii 2025.

Sicirbarar iyo qiimaha nolosha oo sii kacaya

Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale ka digay kororka sicirbararka iyo saameynta uu ku yeelanayo nolosha shacabka. Sicirbararka ayaa ka kacay 3.3% sannadkii 2024 ilaa 3.7%, iyadoo saadaasha 2026 ay muujinayso in sicirbararku gaari karo 6%.

Kororka sicirbararka ayaa sii kordhinaya qiimaha cuntada iyo adeegyada aasaasiga ah, iyadoo qoysaska dakhligoodu hooseeyo ay si gaar ah ugu nugul yihiin saameynta qiimaha nolosha oo kordha.

1.9 milyan oo qof oo dheeraad ah oo wajahaya cunto-yari

Xaaladda ugu daran ayaa ka muuqata dhinaca sugnaanta cuntada.

Warbixinta Bangiga Adduunka ayaa sheegtay in tirada dadka wajahaya cunto-yari ay ka korodhay 4.6 milyan sannadkii 2025 ilaa 6.5 milyan sannadka 2026.

Taasi waxay ka dhigan tahay in ku dhowaad 1.9 milyan oo qof oo dheeraad ah ay galeen xaalad cunto-yari ah, iyadoo tirada guud ay korodhay ku dhowaad 41% marka loo eego sannadkii hore.

Xogtan ayaa muujinaysa in caqabadaha dhaqaale ee Soomaaliya aysan ku koobnayn tirooyinka kobaca GDP-ga, balse ay si toos ah u saameynayaan awoodda qoysaska ee ay ku iibsan karaan cuntada iyo adeegyada aasaasiga ah.

Labada hay’adood ee maaliyadeed waxay sawir ka bixinayaan dhaqaale wajahaya caqabado badan: koboc gaabis ah, sicirbarar sii kacaya, dakhliga ganacsiyada oo hoos u dhacaya iyo awoodda wax-iibsiga qoysaska oo daciifaysa, iyadoo malaayiin Soomaali ah ay sidoo kale la tacaalayaan cunto-yari.

Banaadir24 Online

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *