LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Al-Shabaab oo soo bandhigtay maxbuus ay sheegtay inay ku qabatay dagaalkii Teedaan

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal kooban oo ay ku sheegtay inuu la xiriiray weerarkii ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda federaalka ku leeyihiin deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan.

Muuqaalka ayaa lagu soo bandhigay hub iyo rasaas ay Al-Shabaab sheegtay inay ka qabsatay ciidamada dowladda intii uu socday dagaalka, iyadoo sidoo kale muuqaalka lagu arkayay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dhaawac ah, kaas oo kooxda ay sheegtay inay maxbuus ahaan u qabatay.

Al-Shabaab ma aysan shaacin magaca ama xogta aqoonsiga askariga muuqaalka lagu soo bandhigay. Sidoo kale, illaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo dowladda federaalka Soomaaliya kasoo saartay xaaladda askariga ama sheegashada ah in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu gacanta u galay Al-Shabaab.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid noqday iska horimaadyadii ugu cuslaa ee dhawaan ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaana la soo wariyay inuu sababay khasaare xooggan oo soo gaaray dhinacyadii ku lugta lahaa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *