LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Puntland oo shaacisay in Dowladda Federaalka ay lacag madax-furasho ah siisay Burcaddii heysatay Markabka LUTUF

Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dowladda Puntland waxay soo dhaweysey in la soo daayay markabkii xamuulka ahaa ee MV LUTUF iyo shaqaalihiisii, kuwaas oo 17-kii Ogosto 2026 ay burcad-badeed hubaysan ku qabsadeen xeebaha Puntland. Wasaaradda waxay caddeysay in aysan jirin wax hawlgal badbaadin ah oo ay samaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Turkiga, iyadoo u jawaabaysa warqad ay 29-kii Ogosto 2026 soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Federaalka.

Puntland waxay si adag u cambaareysay lacagta madax-furashada ah oo ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ay siiyeen burcad-badeeddii haysatay markabka MV LUTUF. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland ay si dhow u la socotay wada-hadalladii dhanka taleefanka ee dhexmaray madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka iyo burcad-badeeda. Puntland waxay ficilkan ku tilmaamtay mid khatar ku ah dadaallada lagula dagaallamo burcad-badeeda, maadaama uu dhiirigeliyo in burcad-badeedu sii waataan afduubka maraakiibta.

Sidoo kale, Wasaaradda Amniga Puntland waxay cambaareysay weeraradii dhanka cirka ahaa ee Dowladda Turkigu ka geysatay xeebaha Garmaal iyo Jiifle 18-kii iyo 20-kii Ogosto 2026, halkaas oo ay ku dhinteen dhallinyaro Soomaaliyeed, iyada oo lagu burburiyay doonyo kalluumaysi. Wasaaradda waxay tilmaamtay in la samaynayo baaritaan, isla markaana Dowladda Turkiga lagula xisaabtami doono dhibaatada loo geystay muwaadiniintaas.

Ugu dambayntii, Puntland waxay baaq u dirtay saaxiibada caalamiga ah sida Hawlgalka Badaha ee Midowga Yurub, Mareykanka, iyo dowlaha kale iyadoo ugu baaqday in la xoojiyo iskaashiga badbaadinta marinnada badaha sida Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, iyo Badda Cas, si looga hortago dib-u-soo-laabashada burcad-badeeda iyo kooxaha argagixisada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *