LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog:- Israa’iil oo Somaliland u tababartay Ciidamo farabadan iyo wararkii ugu dambeeyay

Warar lagu baahiyey baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegay in Israa’iil ay tababar ciidan oo gaar ah siisay askar ka tirsan Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay dhowaan kasoo laabteen magaalada Tel Aviv. Wararkan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Geeska Afrika, iyadoo dood xooggan ay ka dhalatay suurtagalnimada iskaashi amni iyo milatari oo dhex mara Somaliland iyo Israa’iil.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in ku dhowaad 50 askari oo si heer sare ah loo soo tababaray ay kasoo laabteen Israa’iil, inkasta oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin warbixintaas, isla markaana aysan jirin caddeyn madax-bannaan oo si toos ah u muujinaysa heshiis milatari oo rasmi ah oo labada dhinac dhex maray.

Jariiradda The Telegraph ayaa lagu sheegay inay daabacday xogtan, hase yeeshee ilaa hadda lama hayo warbixin si cad loo xaqiijiyey oo faahfaahin rasmi ah ka bixinaysa arrintan.

Muddooyinkii dambe waxaa isa soo tarayey warar sheegaya in Israa’iil ay danaynayso xiriir dhow oo ay la yeelato Somaliland, sababo la xiriira goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo, gaar ahaan marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Warbaahin kala duwan ayaa hore u tabisay in Tel Aviv ay Somaliland u aragto meel muhiim u noqon karta la socodka dhaqdhaqaaqyada gobolka, gaar ahaan xaaladaha Yemen iyo kooxaha Xuutiyiinta.

Warbixino kale ayaa xusay in Israa’iil ay muddo dheer danaynaysay dekedaha iyo madaarrada Somaliland, kuwaas oo leh muhiimad amni iyo mid ganacsi.

Ilaa hadda maamulka Somaliland si rasmi ah ugama uusan hadlin wararka sheegaya in askar laga keenay Tel Aviv ama uu jiro heshiis tababar milatari oo ay la gashay Israa’iil. Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war-saxaafadeed rasmi ah oo ku saabsan arrintan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *