LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo shuruud ku xirtay in loo safro dalka Masar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in muwaadiniinta Soomaaliyeed aan laga bilaabo maanta loogu safri karin Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar iyadoo la adeegsanayo oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan “OK-to-Board”.

Qoraal wargelin ah oo ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan dalka Masar ay khasab ku tahay inay haystaan dal-ku-gal rasmi ah (Visa) oo ay bixisay Qunsuliyadda Masar.

Hay’addu waxay sheegtay in go’aankan uu dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Maajo 2026, islamarkaana aysan jiri doonin wax safar ah oo lagu geli karo Masar iyadoo lagu tiirsan yahay warqadda “OK-to-Board” oo horay loogu isticmaali jiray safarrada qaar

Sida lagu sheegay qoraalka, dowladda Masar waxay hadda aqbali doontaa oo keliya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wata fiiso rasmi ah oo laga soo bixiyay Qunsuliyadda Masar ee ku taalla dalalka ay ka howlgaleyso.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay si taxaddar leh uga fiirsadaan qorshahooda safar, islamarkaana aysan tikidhada ama qorshaha socdaalka diyaarsan ka dhigan kahor inta aysan helin dal-ku-galka saxda ah.

“OK-to-Board” waa oggolaansho ay shirkadaha diyaaradaha qaarkood isticmaalaan si ay u xaqiijiyaan in rakaabku buuxiyeen shuruudaha socdaalka ee waddanka ay u safrayaan. Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa horay ugu safri jiray Masar iyagoo adeegsanaya nidaamkan.

Si kastaba, go’aankan cusub ayaa meesha ka saaraya isticmaalka nidaamkaas marka loo socdaalayo Masar.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *