LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh ka qoratay Puntland iyo xog laga helay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada Jariiban ee gobolka Mudug ka qoratay ciidan cusub oo gaaraya 200 askari, kuwaasi oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda si rasmi ah loogu furo tababar ciidan, sida ay sheegayaan ilo wareedyo amni.

Qorista ciidankan ayaa la sheegay inay socotay toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo hadda la soo geba-gabeeyay diiwaan-gelintii iyo hubintii askarta la xulay. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in dhalinyarada la qoray intooda badan laga soo xulay degmada Jariiban iyo deegaannada ku dhow dhow, si loo xoojiyo ciidamada Dowladda Federaalka ee ka howlgala gobollada dhexe.

Saraakiil hore uga tirsanaa maamulka Puntland balse dhawaan ku biiray heerka Federaalka ayaa si toos ah u maamulayay howlaha qorista iyo diiwaan-gelinta ciidankan cusub. Saraakiishan ayaa door weyn ku lahaa abaabulka iyo kala saarista askarta la qaadanayay, iyagoo sidoo kale la filayo inay qeyb ka noqdaan tababarka iyo hoggaaminta ciidamada cusub.

Wararka ayaa intaas ku daraya in tababarka loo qorsheeyay ciidankan uu ka dhici doono gudaha degmada Jariiban ama deegaan kale oo ku dhow, iyadoo Dowladda Federaalka ay doonayso inay xoojiso awoodda ciidan ee gobolka Mudug, gaar ahaan deegaannada ay ka jiraan howlgallada amni iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Dadka deegaanka ayaa si kala duwan uga hadlay qorista ciidankan cusub. Qaar kamid ah bulshada Jariiban ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid shaqo abuur iyo amni xoojin u horseedi karta dhalinyarada deegaanka. Halka qaar kale ay walaac ka muujiyeen sida maamulka iyo jihada ciidamadaasi mustaqbalka loo adeegsan doono.

Ilo amni ayaa sidoo kale sheegaya in Dowladda Federaalka ay waddo qorshe ballaaran oo lagu kordhinayo ciidamada cusub ee laga qorayo gobollada dhexe, si loo dardargeliyo howlgalada amniga iyo xasilinta deegaannada ay weli ka jiraan khataraha amni.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *